Sunday, December 24, 2006

All out war between TFG & UIC in Somalia

Maanta waxaa batay goobo badan oo ay isku hayaan dowlada ku meel gaadhka ah iyo maxaakiibta. Dagaadaas oo ka socda gobolada Bay, Hiiran, iyo Galgaduud.
Dadka Somalidu waxay intooda badani kala raaceen oo la kala safteen labada kooxood ee isku haya xukunka. Anigu waxaan raacsanahay dadka rayidka ah ee u badan dumarka iyo caruurta ee ay arintani samayan doonto. Waxaanan kula talinayaan qof kasta oo Somaliyeed in ay ka taliyaan wanaaga iyo nabada deriskooda. Sababta oo ah waxay Soomalidu ku maah maahdaa balaayadu ina ay kaa maqantahay waxay ku maqan tahay khayrkaa. Markaa yaan xumaanta la isku raacin hana laga fekero dadka rayidka ah ee aan codka lahayn maalin walbana qaxootiga ku jira. Ninkii xabada ridayow ka feker reerkiina iyo caruurta aad masuulka ka tahay.
Ilahay waxaan ka baryayaa in ilahay labada kooxood ii isdilaya in ilahay kala bad badiyo . Markaa Somaliyey qofka kaa dhintaa maanta waa qof somali ka maqan ee sidaa ula soco. Nin kaa dhintayna waxba kuuma ah somalina waxba uma tarayo markaa ku dadaala inaan is waansano oo aan dadkeena dhibaatada iyo dagaalka ka saaro. Inkasta oo ay adagtahay si nabadaaa lagu helayo inta odayada dagaalamay inta ay nool yahiin ama talinayaan.

No comments: