Sunday, December 24, 2006

Sool-joogto

20 cisho ka hore waxaan socdaal gaaban ku maray tuulo la yidhaahdo Sool joogto oo 22Km ka xigta woqooyi bari magaalada Buhodle. Waxaan aad uga helay dhirta la yidhaahdo gobka oo aad halkaa ugu baxda iyo quruxdooda. Waxaan ka soo qaaday sawiro aad u qurux badan. Iyada oo ay dhirtaasi bixisay modho aad u faro badan hadana nasiib daro midhahaa waxba kama cunun iyada oo ay subab ahayd bislaan la'aan aanay weli bislaan midhahaasi.
Waxaan kale oo Sool Joogto uga helay dhirta ku taal ama ka soo baxaysa iyo sida ay ugu duwanyahiin degaanada kale ee ku xeegaaran.

No comments: